Beelaha Toljecle oo Casuumad ku maamusay Boqorka iyo Ugaaska Dir

Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha Axmed Sh. Isaxaaq (Toljecle) oo uu hor-kacayo Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi, ayaa Magaalada Hargeysa Hadhimo-sharafeed ugu sameeyay Boqorka guud ee Beel-weynta Dr Boqor Cabdirisaaq Xaaji Muuse iyo Ugaaska Guud ee Beelaha Irir Samaale iyo Wefti ay hoggaaminayaan oo ku sugan Magaalada Hargeysa.

Munaasibadda lagu maamuusay hoggaanka sare ee Bahda Dhanka Irir-samaale, waxa ka qaybgalay Suldaanka guud ee Beesha Toljecle Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mida isimada Gobolka Sanaag, Guddoomiye Ku-xigeenka Wargeyska Dawan Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), Cuqaal, culimo-awdiin iyo waxgaradka Beeshaasi.

Madax-dhaqameed, Waxgarad iyo Masuuliyiin ku hadlay Afka Beesha Axmed Sheekh Isaxaaq, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hoggaanka dhaqanka ee Beelaha Dir iyo Irir Samaale oo safar ku jooga Somaliland, “Waxaad ku soo dhawaataan Dadkiinii iyo Dalkiinii” ayuu yidhi mid ka mid ah Madax-dhaqameedka ka qayb-galay Hadhimo-sharafeedka.

 

“Inaga oo dadka ugu badan inaynu isa soo koobno maaha, Ugaasku malaha Tiro-koob buu ku sameeyay oo wuxuu yidhi 85% buu Irir Samaale ka yahay Umadda ku nool Geeska Afrika..” ayuu yidhi Madax-dhaqameed kale oo halkaas ka hadlay.

Boqor Cabdirisaaq Xaaji Muuse iyo Ugaas Cabdilaahi Ugaas Ismaaciil oo ku hadlay afka weftiga ayaa beesha Toljecle uga mahad naqay soo dhaweynta iyo casuumad-sharafeedka ay u fidiyeen, waxaanay ka warameen taariikhda iyo isirka ka dhexeeya Beelaha ay hogaanka u yihiin dega guud ahaan geyiga Somalida.
Dhamaan Madaxdhaqameedka iyo masuuliyiinta munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo Iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya umaddahan walaalaha ah, iyadoo iskaashigaasi uu noqonayo mid wanaaga iyo horumarka bulshadaba.