QM oo $55 milyan ku bixisay si ay u badbaadiso markab shidaal oo ku xumaaday xeebaha Yemen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay iibsadeen markab lagu wareejinayo in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid ah oo ku kaydsan markabka la dayacay ee yaalla xeebaha dalka Yemen, kaas oo halis badan ku haya deegaanka badda cas.

Hawlgalka badbaadinta markabkan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo horraanta bisha May ee soo socota.

Qaramada Midoobay ayaa dhowrkii sano ee la soo dhafay, ka digaysay halista ka dhalan karta markabka FSO Safer, kaas oo shaqaynayey muddo 47 sano ah, hase ahaatee haatan xaaladdiisa lagu tilmaamay inay tahay ‘miino qarka u saaran inay qaraxdo’, taas oo looga jeedo, duugowga Markabka iyo shidaalka saaran oo laga baqayo haddii uu badda ku daadiyo, inay noqonayso masiibo deegaan oo halis badan.

Kooxaha dhinaca deegaanka ayaa sheegay in haddii shidaalka markabkan saarani uu badda ku daato in nadiifintiisu ay ku kacayso illaa $20 bilyan oo dollar, iyo weliba in maraakiibta laga leexiyo marinka Suez Canal.

Markabkan ayaan helin wax dayactir ah, tan iyo sannadkii 2015.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in markabka ay kiraysatay inuu ugu kacay illaa $55 milyan oo dollar.