๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐๐š ๐จ๐จ ๐ฐ๐š๐ซ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

Guddida arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyada ee golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay taageersan yihiin xabad-joojinta bila shuruuda ah ee ay ku dhawaaqeen xukuumadda iyo labada gole Qaran ee Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilladu.

Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in laga wada qayb qaato sidii gurmad loogu fidinlahaa dadka ku barakacay dagaalka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

๐–๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐ž๐ฒ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ ๐ง๐ž๐ฒ๐ ๐ฐ๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ ๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ž๐ž ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐š ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

โ€œGuddidu waxay ayidsan tahay oo ay sii xoojinaysaa baaqii babadeed ee Golaha Guurtiddu sida wadajirka ah usoo saaray, waxay soo jeedinaysa in xabad-joojintii la dhaqan-galiyo, lana sii adkeeyo xasiloonida ayaamihii u dambeeyay ka jirtay magaalada Laascaanood, in laga Qayb-qaato Gurmadka loo fidinayo dadka ku barakacay, isla markaana gacan la siiyo shaqaalaha wada gargaarka biniโ€™aadanimoโ€