Hargeysa: Maxaa ku cusub dhismaha Wadooyinka Laamiga ah

๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐˜‚๐—บ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐˜๐—ผ ๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ!!!

Jidka labaad ee Hargaysa waxa uu hor maraa hoyga aan ka deganahay magaaladda, muddo ku siman laba bilood ayaa uu hadda xidhnaa.

Dhismaha jidkan ayaa qaatay wakhti badan, mar kasta oo aan arko iyada oo laga shaqaynayo waxa aan is odhan jiray hadda ayaa la dhamaynayaa, balse waxa uu ahaa mid laga fiirsanayay qaab dhismeedkiisa iyo tayadda uu yeelayo.

Wakhtiyada qaar waxa aan arki jiray iyada oo dhismaha jidku aad u qurux badan yahay, hadana marka danbe dhammaantiiba dib loogu noqdo oo kow laga soo bilaabo, iyada oo la baabiinayo dhamaan caradii la saaray.

Wakhtiyada qaar waxa igu soo dhici jirtay malaha dhismaha jidkan marna la dhisayo marna la baabiโ€™inay malaha Maayirka Caasimaddu ma oga.

Waxa ay sidii ahaataba maalin maalmaha ka mid ah aniga oo sidii u yaaban ayaa waxa aanu is aragnay wiil aanu saaxiib nahay aniga oo isla jidka dhismuhu ka socdo taagan, waxan uga waranmay jidkan iyo wakhtiga uu scday, waxa uu iigu hal celiyay

โ€œHargeysa hadda sidii hore jidadka looma dhisoโ€ markaa waxa aan ogaaday in laga fiirsanyo tayada jidkan iyo sida uu noqonayo raandhiiskiisu.

Jidka labaad ee Caasimada Hargeysa oo ay Dawlada hoose ee Hargaysa ka shaqaynayeen mudo ku siman laba bilood ayaa maanta waxa ay bilaabeen wajigii u danbeeyay ee dhigista daamurka.

Jidkan ayaa ah mid aad u mashquul badanaa oo ay gaadiidku aad u adeegsan jireen, muhiimna u ahaa isu socodka gaadiidka Hargeysa.

Qore: Boqore Ahmed Abdi