“Koboc Dhaqaale ayuu Abuuri Doonaa Aagga Dhaqaale ee Berbera”Liz Llyod

Berbera (GNA)- Hay’adda Maalgashiga Caalamiga ah ee Ingriiska ayaa sheegtay in Aaga dhaqaale ee Berbera shaqo abuur ka heli doonaan ilaa konton kun muwaadin.
Liz Lloyd, oo ah Madaxa Saamaynta Maalgashiga Caalamiga ah ee Ingiriiska, ayaa sheegtay in Aagga dhaqaalaha ee Berbera Somaliland ka caawin doono koboca guud ee Geeska Afrika.
“Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la filayaa inay kor u qaado tayada nolosha iyo maciishadda in ka badan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-u-helidda badeecadaha iyo inay si dadban u taageerto in ka badan 53,000 oo shaqo gudaha ah”
Waa sharaf in aanu qayb ka noqonay guul muhiim ah oo lagu daah furayay Aagga Dhaqaalaha Berbera, anagoo ku biirayna DP World iyo Xukuumadda Somaliland.
Waxa ay Somaliland siin doontaa dhaqaale muhiim ah, waxaanay taageeraysa kobaca guud ee gobolka Geeska Afrika.