Golaha Wakiillada oo warbixin ka dhegeystay Guddida xaalada Laascaanood

Guddidi ka koobnayd 10-ka xubnood ee golaha wakiillada Somaliland u saareen xalinta arrimaha toddobaadyadii u danbayay ka jirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyay halka ay wax u marayaan.

Guddidaasi ayaa shanti maalmood ee u danbeeyay laha kulamo ay kaga arrisanayaan xal u helista xaalada ka jirta magaalada Laascaanood, waxaaney sheegeen in kulamadoodaasi ay diirada ku sareen sidii xal waara looga gaadhilahaa xaalka magaaladaasi.

Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim oo ah guddoomiyaha guddida golaha wakiillada Somaliland u xilsaaray xalinta xaalada magaalada Laascaanood, oo warbixin siinayay golaha ayaa sheegay in arrintu hadda meel fiican u marayso, waxaanu golaha ka codsaday in ka hadalkeeda hoos loo dhigo inta guddidu go’aamo soo saarayso, waxaanu intaas ku daray in aanay jirin wax ka weyn joojinta dhiig bini’aadam oo ku dadaanaya dalkaaga gudihiisa oo waliba cadaw dibadeed gacanta kula jiro.

Intaas kadib waxa ay guddida golaha wakiiladu u saareen xalinta arrinta Laascaanood ay kulamo kala duwan kula qaateen xarunta golaha wakiillada Somaliland masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland, kulamadaasi oo salka ku hayay xal u helista xaalka magaalada Laascaanood.