Xukuumadda oo go’aan cusub ka soo saartay degsiimada Dhulka Badda u dhaw ee Berbera

Berbera(GNA)-Wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka, ayaa go’aan cusub ka soo saartay dhulka banaan ee ku yaalla xeeliga Badda Berbera, ahaan dhulka Badda u jira 200m (labada boqol ee Mitir).

Go’aankan ayaa lagu madnuucay degsiimada iyo lahaanshiyaha gaar ahaaneed ee dhulkaasi, iyadoo loo baytimaaliyey dhul dan guud ah, marka laga reebo wixii hore cid loo siiyey oo loo fasaxay dadka leh oo ay maalmihii la soo dhaafay qalin cas ka marisay Wasaaraddu, sida uu warbaahinta u sheegay maanta Isuduwaha Wasaaradda hawlaha guud ee gobolka Saaxil Md. Mursal Cabdilaahi Ismaaciil.

Isuduwaha ayaa sheegay in dhulka Badda u jira labada Boqol ee talaabo wixii hadda ka dambeeya uu ahaan doono dhul dan-guud ah oo ka caaggan degsiimada shacbiga.

“Waxa aan halkan uga sheegaynaa umadda reer Somaliland, in dhulka xeebta ee badda u jira 200Mitir ee aan hore loo bixin ama aan cid loo siinin, dhisme ka dhisnayn ama aan ogolaanshiyo loo haysan dawladdu u aqoonsantahay maanta laga bilaabo dhul dan-guud ah oo aan la degi karin wixii dhul ah ee xeebta u jira masaafada laba boqol oo Mitir”ayuu yidhi.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi daray in dadkii dhismeyaashooda calaamada cas la mariyey loo fasaxay, maadaama dhulkaasi la yeeshay digreetada wasaaraddu soo saartay ka hor.

Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan halkan ku cadaynayaa in dhismeyaasha iyo dhulka aaggaas xeebta xeeligeeda ah ee hore loo bixiyey dadkii lahaa ay fasax u yihiin, isla markaana go’aankii aanu hore ugu joojinay wax iska bedelleen, kaddib markii aanu wada-tashi isugu noqonay wasaarad ahaan,waxaanu go’aansanay in dhulkaas labada boqol ee mitir u jira badda ee la bixiyey digreetada ka hor cidii lahayd loo fasaxo, haddii uu dhisan yahay iyo haddii kaleba”

Dhulka xeelliga Baddaha ku yaalla ayaa ah mid qiimo weyn iyo ahmiyad gaar ah u leh dawladda, si loogu asteeyo goobo dalxiis iyo adeegyo kale oo guud lagu qabto.