Wefti Uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Shir kaga Qayb Galay Addis Ababa

Addis Ababa -(GNA)Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdillahi Ducaale, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tegey magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Weftigan uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL ayaa ka kooban, shaqaalaha wasaarradaha Qorshaynta, Deegaanka, Biyaha, Xanaada xoolaha, Beeraha, Maaliyadda, iyo Hanti dhawrka qaranka.

U jeedadda safarka weftigaasi ayaa isugu jiray dhawr qaybood, oo ay ka mid tahay tababarro, iyo kulamo la xidhiidha sidii wax looga baran lahaa habka ay dawladda Itoobiya u maamusho arrimaha la xidhiidha Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha.

Waxaana safarkaasi fududeeyay Mashruuca Biyoole, World Bank. Kaasoo mashaariic kala duwan oo horumarineed ka fuliya goboladda dalkan Somaliland qaarkood.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdillahi Ducaale, oo faahfaahin ka bixiyay dulucda shirkaasi ayaa sheegay inuu yahay shir muhiimad weyn u leh weftiga uu hogaaminayo.

Waxaanu tilmaamay in xubnaha weftiga ee wasaarradaha kala duwan ka socdaa ay kulamo la yeesheen masuuliyiin, iyo saraakiil ka kala socday haayado caalami ah, iyo dawladda federaalka Ethiopia.

Maxamed Cabdillahi Ducaale, ayaa Mashruuca Biyoole, World Bank, uga mahad celiyay fududaynta ay ka qaateen booqashadoodda safarka ay ku tegeen Addis Ababa, iyo tababarrada, iyo kulamada ay halkaa ku soo yeesheen.