Xukuumadda oo eeddeyn u jeedisay Faysal cali Waraabe

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Cateeye Fariid ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhiga Cabdiqani Farriid, ayaa ku eeddeeyey Eng. Faysal inuu hurinayo Dagaalka Laascaanood.

“Qalalaasaha ka taagan magaalada Lascanod ayaa waxaa ka dambeeya kooxo kala duwan oo leh aragtiyo iska soo horjeeda. Waxa wax laga xumaado ah in Faysal Cali Waraabe uu door biday in aanu ka qayb galin shirkii maanta ee komishanka doorashooyinka ay Xisbiyada mucaaridku Codsadeen Taas beddelkeeda waxa uu ka door biday in uu colaadda Laascaanood ka taagan uu sii huriyo oo uu basiin ku shubo”.