Thailand oo ka dalbatay Somaliland Caawimo

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Thailand u fadhiya dalka Kenya Sasirit Tantukrat iyo wafti ay hogaaminayso oo Somaliland u yimi sidii uga caawin lahaayeen Ciidanaka badda Somaliland samato-bixinta markab iyo shaqaale ay dawladda Tailand leedahay oo ku xanniban biyaha ay wadagaan Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidii ay Somaliland iyo Thailand uga wada-shaqyan lahayeen arrimaha badaha iyo shaqaalaha dalkaasi ee ku sugan biyaha Somaliland.

Taliyaha guud ee Ciidanka badda Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa soo dhaweeyey waftigan, isla markaana sheegay inay Somaliland diyaar u tahay wada-shaqaynta iyo iskaashiga wadamada dunida ee dhinaca amaanka iyo tageerada badaha gaar ahaana shaqaalaha iyo maraakiibta waddankaasi uu ku sugan biyaha gacanka Cadmeed .