Walaaca Beesha Caalamka ee Kooxaha isku abaabulaya Laascaanood

Nairobi (GNA)- Dalalka Beesha caalamka ee saaxiibka la ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen, waxay walaac ka muujiyeen is abaabulka kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada Laascaanood.

Beesha caalamku waxa kale oo ay sheegeen inay cambaareynayaan rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale, waxa Beesha caalamku ku baaqday in la fuliyo xabad joojintii Xukuumadda JSL ku dhawaaqday, isla markaana dhinacyadu is xakameeyaan si loo helo wadahadal midho-dhal ah oo lagu gaadho xal nabadeed.

Ugu dambayn, waxa warmurtiyeedku soo jeediyay in aan la carqaladeynin  sidii gargaar bini’aadanimo loo gaadhsiin lahaa dadka ku baro-kacay dagaalka Laascaanood.