Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday Xabad-joojin Dagaalka Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday Xabad-joojin bilaa shuruud ah Dagaalka shanta maalmood ka socday magaalada Laascaanood.

Xubnaha golaha Wasiirrada ee u xilsaarnaa shaqaaqada Magaaladaas ka socotay, ayaa go’aanka kaga dhawaaqay Caynaba.

Xabad-joojinta ayaa ka bilaabmaysa Caawa, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, ahna afhayeenka Xukuumadda Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Wasiirka ayaa ugu baaqay xoogga dagaalka kula jira Ciidanka inay dhankooda aqbalaan Xabad-joojinta.

Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray jnay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin in miiska wadahadalka wax lagu xaliyo.