Wararkii u dambeeyey ee Laascaanood

Dagaal ayaa maalintii saddexaad ka socda Magaalada Laascaanood, kaasoo bilaabay saaka.

Masuuliyiinta Somaliland , ayaa sheegay inay maleeshiyaadka argagixisada ah ee ka dagaalamaya magaaladu ay soo wareereen Ciidanka Qaranka ee ku sugan duleedka Laascaanood.

Khasaaraha ayaa sii kordhaya maalin kasta oo dagaal dhaco labada dhinac.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya inay Ciidanka Kamaandooska ee JSL ay cagta mariyeen dableyda hubaysan, isla markaana ka saareen dhufaysyadii ay ku jireen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay maleeshiyaadku hadda isugu uruurreen Xaafada Ma-dareemin ee Magaalada Laascaanood.

Geesta kale, baaqyada nabaddeed ee dagaalka ku wajahan ayaa ka soo yeedhaya dhinacyo kala duwan.