Ciidanka Qaranka oo iska difaacay weerar

Ciidamada Qaranka JSL ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa saaka hiirtii hore ay weerar ku soo qaadeen kooxo argagixiso ah.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna Afhayeenka xukuumadda JSL ayaa ka u waramayey warbaahinta dawlada ayaa sheegay in jihooyin kala duwan ay wareera kaga soo qaadeen kooxaha argagixisada ahi fadhiisamada ciidamada Qaranka ee magaalada Laascaanood.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ciidamada qaranka ayaa jawaab culus ka bixiyey weerarkaa gaadmada ah ee kooxaha argagixisada ahi ku soo qaadeen.

Wasiirka ayaa baaq u diray bulshada kuna baraarujiyey inay ilaashadaan nabadgalyadooda isla markaana meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo khalkhal iyo burbur galinaysa magaalada Laascaanood.

Wixii ka soo kordha xaalada magaalada Laascaanood kala soco warbaahinta Qaranka.