Taliyaha Ciidanka qaranka oo Hambalyo u diray Ciidamada

Taliyaha ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hambalyo u diray qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka Somaliland, hanbalyadaas oo ku saabsan xuska 29-guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Qaranka oo ku beegan 2/2/2023.

Nuux Ismaaciil Taani ayaa saraakiisha, saraakiil xigeenada, dableyda iyo waliba qoysaskooda ugu hanbalyeeyay dabaaldega munaasibada aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland, oo soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Wargeyska Dawan, oo uu ku saxeexan yahay taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa u dhignayd sidan.

“Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo dableyda ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu hanbalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan ciidanka Qaranka iyo xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka, waxaan ugu hanbalyaynayaa munaasibada xuska sannadguuradii 29-aad ee aasaaska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 2/2/2023 haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxa aan ALLE uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo cimri dherer.”

ALLAA MAHAD LEH.

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani.