Madaxweyne Biixi oo baaq u diray Isimada Sool ku shiraya

Hargeysa-30-01-2023-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegay in dalku nabad yahay islamarkaana xaalada ka taagan Laascaanood ay tahay mid ay soo abaabushay Argagaxisada caalamiga ah, taasi oo la doonayey in dadka reer Sool iyo Dawladda laysku diro waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Dalkeenu maanta guud ahaan waa nabad dhibaato ayaa ka jirta gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, dadka reer Sool oo ah hormuudkii Somaliland taariikhiyan hadday tahay iyo hadday maanta tahay, ku suntan magacan Somaliland taariikhdiisa qeybta ugu weyn ku leh, maanta dhibaatada jirta waxaan is weydiinaynaa maxaa keenay, waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo Caalamkana u sheego dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay Argagaxisada Caalamiga ah, dhalinyarada iyo dadka maanta mudaharaadka wadaa uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadka Somaliland oo dadkooda ah midna uma qabaan, waxaa maanta dhegahooda laga buuxiyey oo dhibaatada ugu weyn abuuray Argagaxisada Caalamiga ah waxay si gaadmo ah ugu dishay muddo Toban sanno ah 40-qof oo haldoorka Somaliland ah oo ahaa kuwii Dawladda u shaqaynayey iyo kuwa taageera inta badan argagaxisadii khidadaa dhigtay waxay ka lahayd qorshe dheer oo istiraatiiji ah si ay dalka iyo gobolkaba khal-khal u gelin lahayd, waxay abuurayeen naceyb ah waxaa disha dawladda, dawladda Somaliland waxay ka kooban tahay Somaliland oo dhan cidna gaar uma laha, markaa waxaa la abaarayey oo Arxgagaxisadu u diyaar garoobaysay inay burburiso maamulka iyo dawladda ka dhisan dalka kolba intii ay gaadhi karto muddo ayey, qorshahaa shaadh walba usoo gashatay, in badan baynu maqalnay kelmada Khawaarij la yidhaahdo waa Fidmadii Asxaabta soo dhexmartay ee ay isaga horyimaadeen Asxaabtii ugu waa weynayd maanta tii oo kale dad wada oo aan yarayn oo tabaabulshahooda leh ayaa abuuraya Fidmada ka socota Laascaanood ma waddo shicibka Somaliland dhammaantood shicibkooda kale ayey la mid yihiin waa dad wanaag doonaya wanaag iyo gobanimana ilaa awoowyaashood kusoo dhaqmi jiray”.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inuu shirka Isimada uga furmay magaalada Laascaanood uu ka filaayo wanaag iyo nabad “Shirka madax-dhaqameedka ee Laascaanood ka socda waxaan ka rajaynayaa wixii laga rajayn jiray ee caadada u ahaa madax-dhaqameedkasta, dad kasta oo islaama cidkasta oo waxgaranaysa shirarkaa madax-dhqameedka iyo odayaashu fadhiyaan wuxuu ka taliyaa marwalba nabad wada jir, midnimo iyo in Fidnada laga hortago, kamana duwanaan doono shirka laascaanood, waxgaradka iyo islaamka isugu tegay sidaan u arkaayo inay soo saari doonaan wixii dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkiisa iyo dalkeena u dana oo ka hortaga fidmo mooyee kama filayno inay belaayo kasoo baxdo”.

Waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin ka dawlad ahaan inay wada hadal iyo waxkasta oo lagu dhamaynayo xaalada laascaanood “Dawladda Somaliland oo maanta madaxdeedu halkan fadhido waxaanu diyaar u nahay dhibaato kasta oo jirta waxkasta oo dawladda laga tirsanaayo inay si nabada oo walaaltinimo ah oo la wadaago oo loo siman yahay oo nin waliba ra’ayigiisa ka helo aynu kaga wada hadalno oo innaga oo midaysan, walaalnimo danteena iyo wanaageena ka shaqaynayna aynu nabad xaalada kusoo celino”.

Madaxweynaha ayaa shegay inaanay aqbalayn cid kasta oo fidmo wadda isago xusay in fagaare lagu soo bandhigi doono dadkii dilalka ka geystay Laascaanood “Waxaanu kasoo horjeednaa haddaan dawladda nahay qof kasta oo shar iyo fidmo wada qof kasta oo belaayo horseedaya, qofkasta oo diidan nidaamka iyo horumarka, arrinta lagu celceliyey ee dadka lagu dagaal geliyey ee ah dawladda dadka dishay waxaan leeyahay dadka arrintaa rumaystayow arrintaa xaqiiqadeedu way hor imanaysaa inaynu isla helno in Somaliland waxgaradkeeda arrintaa la nacsiiyo, dawladda ay arrintaa ku eedaynayaan fagaarihii lagu soo bandhigi lahaa inaynu isla gaadhno ee cadowgu tuu doonayey inuu isku keen dilo inaan loo dhego nuglaa, kii dilay oo lahayo oo muuqda ayaa hor iman doona inaad halkaa sugto laakiin aan loo dhego nuglaan kuwa fidmada wada, waxaan leeyahay dadka reer Sool dhibaatadaa maanta jirta waa inaan nabad ku bedelnaa, waa inaynu magaalada degenaansho kusoo celinaa waa inay caruurtu Iskuulkii timaadaa waa in Cusbitaalkii iyo ageegiisii la helaa waayo sabab aynu maanta dhibaato gudaheena u galnaa ma jirto.

Muane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Ciidamada kala duwan ee Somaliland ku amaanay doorka nabada ah ee ay ka qaateen xaalada laascaanood “Erayga ah Ciidanka Somaliland ha baxo waa erayga ay soo tuurayso Argagaxisadu ee ay ku doonayso inay meesha fidmo ka rido iyo buuq oo loo baneeyo, Ciidanku Argagaxisada iyo kuwa Somaliland duminaya ayuu ilaalinayaa kamana baxayo Sool ee wuu daafacayaa, waxaan kusoo gebagebaynayaa baaqaa nabad ah waa inaynu waxeena dhamaysano oo dhibaatada hore uga baxno ayaanu diyaar u nahay, waxaan u mahadnaqayaa dadka nabada ka shaqaynaya dadka arrintaa aad iyo aad uga dadaalaya, waxaa shalay kasoo noqday guddoomiyaha golaha wakiilada oo hadda halkan ka hadlay war wanaagsan iyo waayeelnimo iyo si loogu hawl galo oo aad iyo aad laysu xakameeyo cid waliba ayaanu ka wada hadalnay taasaanu ku shaqaynaynaa, Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ku amaanayaa inay muujiyeen inay cadow la dagaalamayaan ee aanay dadka Somaliland la dagaalamayn waxay muujiyeen in reer Sool dadkoodii yihiin oo ay xanaanaynayaan oo ay iyaga yihiin kuwa ay dhaxanta u hurdaan ee aanay iyaga u quudhi karin wax xumaan iyo dhibaato ah.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha ayaa dadka reer laascaanood ugu baaqay inay arrintooda ku dhamaysan doonaan wada hadal sida caalamkuna arrimaha dhexdooda ugu dhamaystaan “Arrinta Laascaanood waxaan ugu baaqaynaa nabad wada hadal iyo walaaltinimo inaynu ku dhamaysano midna waa xaqiiqa dadka Somaliland la yidhaahdaa waa isku dal waa isku dan waa isku dad ma kala maarmi karaan markaa sida caalamku mushkilada dhexdooda u dhamaysto ayuun baynu u dhammanaysanaynaa dawlad ahaana diyaar baanu u nahay nabad , dulqaad, dhegaysi, garqaadasho”.