Go’aano lagu badhaadho oo waafaqsan mandaqada ayaa laga eegayaa Shirka Laascaanood

Xukuumadda Somaliland waxay mudan tahay in lagu ammaano sida mugga iyo taxaddirka leh ee ay u ogolaatay in go’aano laga soo saaro ammuuraha xiligan ka taagan magaalada laascaanood. Maalmahan waxaa magaalada ku soo qulqulayay madax-dhaqameed deegaanada Sool u dhashay, kuwaas oo fikiro kala duwan ka qabey qaddiyadda deegaankaasi.

Inkastoo shaqaaqooyinkii magaalada Laascaanood ka dhacey ay keeneen dhimasho iyo dhaawac, haddana ciidamada ammaanku waxay muujiyeen dulqaad iyo in ay aad u yareeyaan khasaare dhaca.

Tan iyo xiligaas dadweynaha magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda waxay si badan u cabbirayeen dareenkooda iyo wax walba oo ay samayn karaan, dareenadaas iyo dhacdooyinkaas waxay dibadda u soo saareen mabaa’dii iyo fikiro kala duwan oo ay kala qabaan dadka reer Sool.

Deegaankan oo juquraafi ahaan marka la eegayo xuduudihii boqortooyada Ingiriiska ka tirsan Jamhuuriyaddii Somaliland waxuu xuduudo la leeyahey maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Kililka shanaad ee Itoobiya.

Markii ay burburtey dawladdii Soomaaliya waxay beelihii waqooyiga wada deganaa isugu yimaadeen shirar kala duwan oo ay kaga tashanayeen aayahooda, shirarkaas waxaa ugu waynaa shirkii magaalada Burco ee 1991-kii, kaas oo ay ka soo qaybgaleen qoorweyntii, siyaasiyiintii, madaxdii dhaqanka iyo ururadii bulshada. Shirkaas oo lagu yagleelay gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxdii dhaqanka ee saxeexay axdigan waxaa ka mid ahaa Garaadadii metelayay reer Sool, kuwaas oo uu hogaaminayay Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, sidaas ayaa lagu dhisey Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxalado socod-barad iyo duruufo xiliyadaas daruuri ahaa ayaa lagaga soo gudbey dadaal, isu tanaasul iyo baxnaanin, waxaana door taariikhi ah oo lama ilaawaan ka ciyaaray in qarankani istaago siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada bariga, kuwaas oo juhdi badan galiyay in ay maamulka gaadhsiiyaan xuduudaha dalkani leeyahay, raggaasi mar walba waxaa ku socday dagaalo iyo borobagaando loogu diidan yahay in horumarka qaranka Somaliland ka socda uu gobolkani qayb ka ahaado, haldoorkan oo golayaasha qaranka iyo ururada bulshada ka tirsanaa mar walba waxaa ka go’naa wax qabadka deegaankooda iyo dalkoodaba.

Waayahii danba horumar badan ayaa ka qasoomey gobolka Sool, kaas oo dhinacyo badan lahaa marka laga reebo dilal qorsheysnaa oo lagu laayey dad bulshada ka tirsan, in kastoo xukuumadda Somaliland ay sheegeen in ay xukuman yihiin dad dhacdooyinkaa loo hayo iyo qaar kale oo baadhitaano lagu wado. Arrintan ayaa noqotey mid jaha-wareer iyo rabshado ka dhalisay magaalada Laascaanood.

Dhacdadani waxay fududaysay isku dhacyada Ciidamada ammaanka iyo dadweynaha magaalada Laascaanood. Xukuumadda Somaliland laamaheeda ammaanka ayaa go’aansadey in la wadahadlo oo meesha ay ka soo baxaan qodobbo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh. Waxaa iyaguna talada lagu soo daray madax dhaqameed muddo ka maqnaa magaalada Laascaanood, kuwaas oo kala rumaysan mabaa’dii kala duwan.

Shirkaas oo lagu tilmaamay mid dhaqan ayay ku howlan yihiin guddi odayaal ah oo deegaanka ka kooban, waxaa iyaguna howlaha dhinacooda ka wada mudanayaal Golaha Wakiilada ah oo deegaanadaas laga soo doorto iyo wasiirro ka socda xukuumadda Somaliland.

Marka aad eegto waxa laga filayo shirka iyo xaaladda runta ah ee ku xidhan waxaa jira madax dhaqameed si weyn isaga soo horjeeda, haddana waxaa looga fadhiyaa nabad waarta oo gobolka horumar u horseeda waxaa biyo kama dhibcaan ah in la qaato go’aan run ah oo waara.

Isku soo wada duuboo waxaa laga sugayaa qoorweynta halkaas isugu timi in ay soo saaraan talo la rogrogay taas oo dhinac walba laga eegay, kuna soo aroorta go’aano la mahadiyo, kuwaas oo bulshada iyo mandaqadda oo dhan u horseeda ammaan, is faham iyo hurumar waara, iyadoo la iska ilaalinayo wax kasta iyo go’aan walba oo sababi kara colaado iyo dagaalo ka dhaca Gobolka Sool, kuwaas oo saamaynta iyo dhibaatada ugu xumi ka soo gaadhi karto bulshada ku nool Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool.

Mustafe Maxamed Nuur “Dheereeye”