Fal-celinta dunida Islaamka ee Kitaabka lagu gubay Sweden?

Dalka Sweden, kooxo xagjir ah ayaa kitaabka Quraanka ah ku hor gubay safaaradda Turkiga, iyagoo masuuliyiinta Sweden oggolaadeen falkaas.
Haddaba, waddamada Muslimka ah ayaa si adag uga falceliyey kitaabka Quraanka ah ee Sweden lagu gubay. Dalka Turkiga ayaa dhaleecayn xooggan ka soo saaray falka lagu gubay musxafka Quraanka ah, waxaanu waxaan la aqbali karin ku tilmaamay go’aanka dawladda Sweden ku ogolaatay in kitaabka la gubo. Turkey wuxuu xubin ka yahay Isbahaysiga NATO, sidaas darteed Sweden oo codsatay inay ku biirto NATO waxa hore u hor istaagay Turkey, Sweden-na waxay walaac ka qabtaa in Turkey diidmadiisa sii adkeeyo.

Turkigu wuxuu joojiyay safar Wasiirka Difaaca ee Sweden ku iman lahaa dalka Turkiga, sabtidii shalay.
Sidoo kale, waddamada Pakistan, Sacuudiga iyo Qadar ayaa si xooggan u dhaleeceeyey falka lagu gubay kitaabka Quraanka ah.
Xoghayaha Ururka Waddamada Islaamka, General Hisin Brahim Taha, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey falka lagula kacay kitaabka Quraanka ah. Caasimadda Sweden ee Stockholm waxa ka socda dibadbaxyo lagaga soo horjeedo kitaabka Quraanka ah ee la gubay.