Joogtada Wakiillada oo la kulmay Madaxda Hay’adda Shaqaalaha

Guddida Joogtada ee Galaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinda Hay’adda shaqaalaha Dawlada.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo ugu horeyn ka warbixiyey ujeedadii kulankoodaas ayaa ka waramay in masuuliyiinta hay-adda shaqaalaha Dowladda Somaliland, ka xogwareysteen howlaha kala duwn ee ay qaranka u hayaan, guddoomiyuhu ayaana xusay in wado shaqeyn leeyihiin mas’uuliyiinta hay-addaasi shaqalaha Dowladda iyo Golaha wakiilada Somaliland.

Dhankiisana Guddoomiyaha Hay-adda shaqaalaha Dowladda Md- Khaalid Jaamac oo goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedadii kulankoodaasi daaranaa, waxaanu Guddoomiye khaalid ka warbixiyey in hay-adda shaqaalaha dowladda Somaliland tahay mid dastuuri ah kana mid ah hay-addaha kala duwan ee dowlada .

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa guddida joogtada ee gollaha wakiilada uga warbixiyey waxyaabihii u soo qabsoomay ka hay-adda shaqaalaha dawlada iyo waxyaabaha u qorsheysan saadkan, halka sidoo kalena guddoomiyuhu sharaxaad uu ka bixiyey in xeer nidaamiyaha shaqaalaha dowladdu ku shaqeyso in ha-addaasi shaqaalaha dowladdu ku howlan tahay tayeynta shalaaha kala duwan ee dowladda sida Dalacsiintooda, inay xirfadooda aqooneed kor u qaadis ku sameynayaan iyo in xuquuqdooda ay ilaaliyaan.

Gabogabadiina Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladu waxa uu mudanayaasha guddida joogtada Golaha wakiilada Somaliland ku bogaadiyey wado shaqeynta ka dhaxeysa.