Somaliland: Xukuumadda go’aamo cusub ka soo saartay Xaalada Laascaanood

Weftiga Golaha Wasiirrada ee ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa soo saaray go’aamo la xidhiidha xaalada Magaaladaasi iyo guud ahaan gobolka Sool.

Weftiga Xukuumadda ayaa sheegay inay dawlad ahaan ogol yihiin shirka Aayo-ka-tashiga ah ee Isimada iyo haldoorka gobollada Sool iyo Buuhoodle uga furmaya Laascaanood, isla markaana u tixgelinayaan xuquuq ay dadkaasi leeyihiin.

Waxa kale oo guddida Xukuumaddu ka digeen inay Shirkaasi ka soo qaybgasho cid sidata Shaadh Dawlad kale oo aan Somaliland ahayn, Hay’ad shisheeye iyo cid ka soo jeeda Dal kale.

Magaalada Laascaanood ayaa waxa ku soo qulqulaya Isimada Dhaqanka ee bulshada gobolladaasi ku dhaqan, kuwaasoo badankoodu muddo 15 gaadhaysa ka maqnaa magaalada.

Go’aamada guddida Xukuumadda ayaa muhiimad weyn u leh xasiloonida iyo maslaxda magaalada Laascaanood hadda ka soo kabanaysa dhibatadii ka dhalatay gadoodkii shacbiga ee todobaadyadii la soo dhaafay dhacay.