Sanaag: Taliyaha Ciidanka Badda oo Kormeeray Saldhigyada Xeebaha Gobolka

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Adhmiraal Axmed Hurre Haariye, oo toddobaadkii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa kormeer ku tagey xeryaha ciidanka xeebaha ee gobolka Sanaag iyo dhismaha dekadda Maydh.

Taliyuhu wuxu soo kormeeray xeryaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ku leeyihiin degmooyinka Xiis iyo Maydh, waxaanu taliyuhu halkaasi salaansharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha, waxaana taliyaha halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka xeebaha ee gobolka Sanaag gaashaanle dhexe Ismaaciil Maxamed Yuusuf, isaga oo warbixin ka siiyay xaalka ciidanka iyo shaqada ay Qaranka u hayaan.

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa sheegay in ciidanka Xeebuhu kaalin mihiim ah ugu jiraan jiritaanka Qaranimada Somaliland, waxa uu xusay in ay habeen iyo maalinba ku jiraan dadaal naf-hurnimio ah kaas oo ay ku sugayaan ilaalada iyo badqabka baddaha dalka.

Geesta kale waxa uu taliyuhu kormeer ku tagey dhismaha dekadda cusub ee degmada Maydh, taas oo dhawaan xadhiga laga jaray, waxaana taliyaha halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada Maydh, maamulka dekadda iyo waxgarad kale, iyaga oo sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag ay yihiin kuwa markasta u heelan ilaalinta khayraadka dihiin ee badda iyo dekadda Maydhba.

Geesta kale waxa madax dhaqameedkii soo dhaweynta taliyaha ka qayb galay, ay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka codsadeen in uu dhammeystiro wixii ka qaybyo ah dekadda, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay markale doortaan.