Kevin McCarthy oo ku guuleystay Afhayeenka Congress-ka kadib 15 wareeg oo doorasho ah

WASHINGTON —(GNA) Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

Ka dib 15 wareeg oo codeeyn ah oo la qabtay shan maalmood oo xiriir ah iyo tanaasulaad uu u sameeyey garabka midigta fog ee xisbigiisa, xildhibaanka laga soo doorto gobolka California Kevin McCarthy ayaa ugu danbeyn loo doortay in uu noqdo afhayeenka golaha wakiillada Mareykanka.

McCarthy oo 57 jir ah ayaa muddo sanada ah doonayay in uu noqdo afhayeenka Golaha Wakiillada. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu si isdaba joog ah ula kulmayay xubnaha Jamhuuriiinta si uu u xaqiijiyo codkooda, balse 14 goor waxaa diiday ilaa 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa.

McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay in uu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada garabka midig oo hore u diiddanaa.

Codka ugu muhiimsanaa ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz oo ka aamusay halkii uu uga codeyn lahaa.

Xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida muddo daqiiqado ah, iyagoo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo go’aankiisa kahor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad.

McCarthy ayaan marnaba muujin in uu isaga hari doono tartanka uu ku doonayay in uu Golaha Wakiillada ku hoggaamiyo, taasi oo sidoo kale uu dastuurku ka dhigayo qofk labaad ee hoggaanka dalka kuna xiga madaxweyne ku-xigeenka.

Gacan ka hadal kooban ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyadoo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers.

Natiijadan ayaa waxay jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Waa markii ugu horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.

“Waan ku faraxsanahay in ay soo idlaatay doorashadii” ayuu yidhi kadib guushiisii.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay Kevin McCarthy, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga.

“Waxa aan u diyaarsanahay in aan Jamhuuriyiinta marka aan awoodo, waxaana ay codbixiyeyaashu caddeeyeen in ay ka rajeynayaan Jamhuuriyiinta in ay sidoo kale u diyaarsan yihiin in ay ila shaqeeyaan,” ayuu yidhi.

VOA+Reuters