Dad badan oo ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay Uganda

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiidhay gaadhi xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xidhaa caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.

Booliiska ayaa sheegay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhinteen markii dambe cisbitaal.

Dhowr qof oo kale oo safar ahaa oo baska saarnaa, ayaa ku dhaawacmay.

Todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dalka Uganda ka jiray walaac aad u weyn, oo ah dhibaatooyinka dhimashada ee waddooyinka gaar ahaan xilliyada ciidaha.

Warbixin uu soo saaray booliiska taraafikada horraantii toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in 104 shil baabuur la diiwaan geliyay, intii u dhaxaysay 30kii Disembar, illaa iyo iyo 1-dii Janaayo ee sanadkan 2023-