Shaybaadhka Xanaannada Xoolaha oo laga furay Boorama

Agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland Dr. Axmed Cali Maax, oo hawlaha shaqo u jooga magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa si rasmiya u daahfuray shaybaadhka xannaanada xoolaha ee magaalada Borama.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo waramaya magaalada Borama Cabdisalaan Saaha, Shaybaadhkan maanta la daahfuray ayaa lagu ogaan doona noocyada xannuunada kala duwan ee xoolaha ku dhaca.

Munaasibadii lagu daahfurayay xarunta shaybaadhka xoolaha ee degmada Borama ayaa waxa goob joog ka ahaa inta badan isuduwayaasha laamaha dawladda ee gobolka Awdal.

Isu’duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kaluumeysiga Somaliland ee gobolka Awdal Cumar Cabdillaahi Dalel, ayaa sheegay in xaruntan shaybaadhka xoolaha ee magaalada Borama ay wax badan tari doonto dadka xoola dhaqatada ee ku nool magaalada Borama iyo degaanada hoos yimaada, waxaanu xusay in shaybaadhkani noqon doono mid kafayn doona guud ahaan baahiyaha gobolka Awdal.

Dr. Axmed Cali Maax, agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in si rasmiya ay u furan tahay xarunta shaybaadhka xannaanada xoolaha ee gobolka Awdal, waxaanu intaas raaciyay in furitaanka xaruntani ay ka mid tahay dadaalada wasaaradda ee ku saabsan daryeelka caafimaadka xoolaha, waxa uu xusay in sannadkan sii galbanaya ay wasaaradda u hirgaleen saddex laab oo uu ka mid yahay kan ay maanta daahfureen, waxa kale oo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan rabaan in cudurkasta oo xoolaha ku dhaca gobolkiisa lagu baadho, sidoo kale waxa uu tilmaamay in gobollada hadhsana la gaadhsiin doono xarumaha shaybaadhka xoolaha si xoolo caafimaad qaba loo helo.