Shaqaale tababar loogu soo xidhay Berbera

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Berbera Nuur Cabdi Jaamac ayaa tabobar u soo xidhay qaar ka mida shaqaalaha ka hawl-gala qaar ka mida degmooyinka dalka.

Tabobarkaas oo socday shan maal-mood waxa qaadanaayay shaqaale ka kala socday degmooyinka Berbera, Sheikh, Baligubadle Sallaxley.

Tabobarkan oo ay soo qaban qaabiyeen machadka dawladaha hoose ee dalka waxa lagu baranaayay habka maamula waaxda shaqaalaha iyo waaxda maamulka.

Qaar ka mida hawl-wadeenada degmooyinkaas ayaa sheegay in ay qaateen casharo la xidhiidha casharo la xidhiidha maamulka shaqaalaha iyo sugida xogta maamul ee degmooyinkaas.

Agaasimaha maamulka ee machadka dawladaha hoose ee dalka Khaalid Cabdiraxmaan Maal ayaa bogaadiyay hawl-wadeenadaas qaadanaayay tobobarka iyo macalimiintii wax baraysay, waxaanuu intaas ku daray in tabobarada noocan ahi ay sii wadi doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Berbera Nuur Cabdi Jaamac ayaa sheegay in tobobarkaasi ahaa mid ay u baah-naayeen shaqaalahaasi, waxaanuu gudoonsiiyay shahaadooyinkii cadaynta u ahaa in ay toborkaas qaateen.