Xukuumadda oo sagootiday 41 Dhakhtar oo Takhasus waxbarasho ugu baxay Itoobiya

Wasiirka wasaaradd horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Maxamed Cali, oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda cududda shaqaalaha iyo qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee wasaaraddaasai ayaa ka qayb gelay xaflad lagu sagootinayay 41 Hawl-wadeen oo Takhasus dhakhtarnimo ka helay dalka Itoobiya.

Ugu horayn waxaa xafladaas agaasimaha waaxda cududda shaqaalaha ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Cabdiraxman Ibraahin Xasan isagoo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Soo martay hawshani si ay u suuro gasho, Waxaanu xusay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay dadaal adag ku bixisay sidii ay hawshani u noqon lahayd mid midho dhaaha , agaasimaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay masuuliyiintii ka shaqeeyay Hawshan oo ay ugu horeeyaan madaxda sarsare ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cawad oo qayb-libaax leh ka qaatay suurto gelinta Deeqdan Waxbarasho.

Gabo,gabadii Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ugu horayn u duceeyay dhamaan ardaydii nasiibka u yeelatay in ay helaan deeqdan Waxbarasho ee kasoo gudubtay Imtixaankii laga qaaday, Waxa uu Wasiirku kula dardaarmay 41-kaas xubnood inay noqdaan Safiiro Matala dalkooda maadama oo ay tagayaan dal kale oo inaga dabeecad iyo dhaqanba duwan.

Ugu dambayn ardaydii kasoo gudubtay Imtixaankii la qaaday ee deeqdaas Waxbarasho u baxaya ayaa gudoonsiiyay shahaadooyin ay ku sharfayaan dhamaan masuuliyiintii kasoo shaqaysay suuragelinta hawshan oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) Wasiirka Maaliyadda Dr’sacad Cali shire, Wasir-ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaaddka, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed cabdi Xergeeye safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, iyo xubno kale.