Guddida Doorashooyinka oo kala diray Sanaaduuqda Diwaangelinta

Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta lixda gobol ee dalka u kala diray qalabkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka iyo macalimiintii tababari lahayd shaqaalaha ka hawl gelaya goobaha Diiwaangelinta.

Waxa goobtii lagu kala dirayay agabka iyo macalimiinta Cabdicasiis Xirsi Warsame iyo Yuusuf Maxamed, oo ka mida xubnaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, iyaga oo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan shaqaalaha guddid doorashooyinka, waxaaney ka codsadeen dadku in siwanaagsan uga wada qayb qaataan diwaangelinta codbixiyayaasha.