Duqa magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga oo lagu xukumay xabsi & xayiraad siyaasadeed

ISTANBUL- Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa xabsi ku xukuntay duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, waxayna xayiraad siyaasadeed kusoo rogtay siyaasiga mucaaradka ah oo loo arko in uu yahay nin la tartami kara Madaxweyne Tayyip Erdogan doorashada sanadka soo socda.

Ekrem Imamoğlu ayaa lagu xukumay labo sano iyo todobo bilood oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga sare ee doorashooyinka Turkiga (YSK), sida lagu sheegay go’aan maxkamadeed oo Arbacadii lagu dhawaaqay.

waxaana labadaban xukun ay tahay in ay xaqiijiso maxkamadda racfaanka, kadib markii ‘uu aflagaadeeyay mas’uuliyiinta Turkiga khudbad uu jeediyay’ kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dowladda hoose ee Istanbul 2019.

Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya magaalada ay ku nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkasta oo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa sidii caadiga ahayd, hadana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.

Isaga oo ku sugan xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay “sharci-darro qotodheer” oo “caddaysay inaan caddaaladi ka jirin Turkiga maanta”.

Kemal Kılıçdaroğlu, oo ah guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka CHP, ayaa soo gaabiyay booqasho uu ku joogay Jarmalka, waxaana uu dib ugu laabtay Turkiga kadib go’aanka.

Xigasho; Shiine Elmi