๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐จ ๐Ÿ‘ ๐œ๐šr๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐ฅ๐šโ€™๐š๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ž๐ซ๐ฒ๐š๐ฒ ๐ ๐จ๐จ๐›๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Hargeysa -(GNA)Hooyo Farduus Maxamed Saleebaan, waa hooyo haysta 3 caruur ah, waxa ay degan tahay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Xidigta.

Hooyadan 3-da carruur ah ee ay dhashay waxa goobihii waxbarashada, sida iskuuladii iyo madaaristii Qurโ€™aanka Kariimka looga soo eryay lacag laโ€™aan, guriga ayay u dhexjoogaan iyaga markasta oo hooyadood waydiiya wakhtiga ay ku noqon doonaan iskuuladoodii ee ay dib ula midoobi doonaan macalimiintii iyo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen.

Hooyadan iyada oo warwaran iyo qalbijab weyni ka muuqdo waxa ay sheegtay in suโ€™aalaha ubadkeedu ay qalbigeeda gubaan, balse iyada uuni ay kali ku tahay oo saygeediina ka maqan yahya, cid aan ALLE hayn oo u maqanina aanay jirin.

Hooyo Farduus waxa ay ka mid ahayd haweenkii ka xamaalan jiray Suuqii gubtay ee Waaheen, balse hadda shaqo laโ€™aanta iyo duruufaha adag kuwajahaya magaalada iyada iyo haweenkale oo la duruuf ahi.

Waxa ay sheegtay in dadkii ku hantibeelay uun wax la siiyay balse dadkii xamaaliga ahaa ee cidkale u shaqaynayay aanay ciddi isweydiin, waxa ay intaas ku dartay in subaxkasta ay guriga ka baxdo balse iyada oo aan xabad Roodhiya usidin ubadkeeda ay dib ugu soo laabato, iyada oo cuno laโ€™aan iyo waxbarasho laโ€™aan gurigii ay kaga tagtay halkii la fadhiya.

Waxaaney tidhi.โ€œWaxaan ka mid ahaa hooyooyinkii ka xamaalan jiray suuqii gubtay ee Waaheen, guriga aan ku jira waa kiro, kiroba kiro ayay ii dhiibta, hadda bila shaqada ku ah magaalada Hargeysa, hooyo caafimaad qabta oo xoogeeda ku shaqaysan karta ayaan ahay, waxaan guddida taakulaynta suuqa Waaheen aan ka codsanaya in ay shaqo abuur noo sameeyaanโ€

โ€œGuriga waxbarasho laโ€™aan ayay carruurtu igu fadhiyaan, iskuulkasta iyo madarasadkasta feegii oo aan waayay ayaa loo soo eryay.

Waxa la yidhi โ€˜haddii aydaan haysan lacagtii iskuulka iyo madarasada kaabada nooga dhaadhacahadda halkaasi waxa ay ii fadhiyaan waa shan bilood, kadib markii suuqii aan yoomiyaha ka heli jiray uu baabaโ€™ay, wax allaale iyo wax aan ka soo shaqeeyaana aanu jirin subax kasta waan kalaha wax shaqo ah oo aan hayo ama aan soo helana ma jiraan, iyaga oo carruurtaydii qatan oo waxbarasho seegay ayaan ku soo laabta.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland oo madaxweynuhu ugu horeeyo ayaan kaalmo waydiisanaya, ILLAAHEYba kaalmo hayeโ€

Hooyadani waxa ay dalbatay in masuuliyiinta dawladda oo madaxweynuhu ugu horeeyo, ganacsatada, masuuliyiinta waxbarashada iyo cidkasta oo kaalmo ka gaysan karta xaalada ay ku sugan tahay ay kaalmeeyeen, caawiyaan wixii ay tari karaana ay taraan.

Qaybaha kala duwan ee dadkii ka xamaalan jiray suuqa Waaheen waa kuwa sida hooyadan oo kale nolosha la daala dhacaya, waxa loo baahan yahay qorshe nolosha bulshadani lagu badbaadinayo, sida in loo sameeyo shaqo abuur iyo in la baro xirfado ay ku shaqaysan karaan oo ay kaga gudbi karaan buundada nolosha ee sii adkaanaysa maalinba maalinta ka danbaysa.

๐—–๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐˜† ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ผ ๐˜๐—ฒ๐—น๐—ฒ๐—ณ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฌ๐Ÿฒ๐Ÿฏ๐Ÿฐ๐Ÿญ๐Ÿด๐Ÿฎ๐Ÿด๐Ÿฑ๐Ÿณ

Xigasho: Khadar Maxamed Xaashi