Ceerigaabo: Dab damiska oo bakhtiiyey Booyad Shidaal oo dab qabsaday

Ceerigaabo Ciidanka Dab-demiska Degmada Ceerigaabo ayaa u gurmaday Booyad shiidaal oo dab qabsaday .

Kadib markii uu wadaha booyadu Soo galiyey booyadii oo ololaysa Xarunta Ciidanka dabdemiska ee magaalada Ceerigaabo

Ciidamada dabdemiska gobolka sanaag ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas.

Iyagoo adeegsaday damiyaha Fuumta loo yaqaano kaasi oo loo adeegsado daminta Shidaalka.Ciidanka ayaa dhamaan badbaadiyay gaadhigaa.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay.

Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.