Somaliland oo Shuruuddo adag ku xidhay Wadahadallada Soomaaliya

Hargeysa-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley  wefti ka kooban laba ergay oo  ka kala socday dalalka Norway iyo Turkiga oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroğlu Caawa, kuwaasoo sida la sheegay xaawilaya dib-u-soo-celinta hanaankii wadahadallada u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa weftiga uga xogwaramay hanaanka geeddi socodka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland halkan ku soo gaadhay, taasoo uu sheegay inay ku timid isku-duubnida shacabka Somaliland iyo dawladooda, sababna u noqotay in indhaha beesha caalamku ku soo jeestaan horumarka la taabankaro iyo dimu-qraadiyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu si cad u dul-istaagay kuna dheeraaday go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland uga meel-yaala wadahadaladda Soomaaliya, isagoo yidhi “Somaliland diyaar bay u tahay wada-hadalka laakiin wada-hadalku waa inuu noqdaa mid macno leh.

Mawqifka Somaliland-na waa sidan:-

  1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood oo kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.
  2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.
  3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.
  4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.
  5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.
  6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.
  7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey kulanka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Maxamuud Keyd.

Dhinaca weftiguna waxay kala ahaayeen Heidi Johansen, haakon Svane, Ole Andreas Lindeman, Harun Arslan iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar.