Madaxweyne Biixi oo Tacsi diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Maxamed Cali Saleebaan (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2022, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Ganacsade door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku wada dhaqan.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH