Somaliland oo samaysay Xeerka madax-dhaqameedka

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in 80% gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiigleyaashii dalka gudihiisa dilal ka gaystay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay kala shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka, isla markaana doorashooyinkii isku sidkana ee dalka ka qabsoomay ay u adeegsadeen sugistooda in ka badan 12-kun oo askari.

Wasiir Kaahin waxa uu sheegay in la dhammeystiray xeerkii lagu maamulilahaa madax dhaqameedka dalka, isla markaana uu hadda ka soo gudbay golaha wasiiradda iyo hay’addihii ku shaqada lahaa oo dhan, dhawaanna uu soo gaadhi doono goleyaasha sharcidejinta.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu shalay hortegay guddida joogtada ah ee golaha guurtidda Somaliland, waxaana markii uu wasiirku xarunta golahaasi soo gaadhay ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golahaasi Dayib Xasan Axmed.

 

Waxaanu yidhi.“Warbixinta ciidanka booliksu ay soo gudbiyeen in dilalkii dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay 80% gacan ku dhiiglayaashi waala qabtay.

Annagu ka wasaarad arrimo gudeed ahaan guddida doorashooyinka waxa aanu kala shaqeyna arrimaha doorashooyinka.

Arrinta aanu kala shaqaynaana waa nabadgelyada arrimaha doorashooyinka, goobaha doorashooyinka ee codbixinta qaybna wasaaradu waxa ay ka hawlgalisa ciidamada abniga oo boolisku kow ka yahay, meelaha boolisku ka yaraado ee boolisku soo codsadaan meelahaasi ayaanu xoojin uga baahanahayna waxa ay soo codsata in ciidanka milatariga, ciidanka laanta socdaalka, ciidanka xeebaha Somaliland lagu soo xoojiyo, oo wasaaradda hoos yimaada.

Sannadkii hore laba doorasho oo isa saaran ayaynu galnay, waxa aanu u adeegsanay qabsoomida doorashadaasi in ka badan 12-kun oo ciidan ah”

Wasiir Kaahin waxa uu sheegay in la dhammeystiray xeerkii lagu maamulilahaa madax dhaqameedka dalka, isla markaana uu hadda ka soo gudbay golaha wasiiradda iyo hay’addihii ku shaqadalahaa oo dhan, dhawaana uu soo gaadhi doono golayaasha sharcidejinta.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu soo wadnaa oo hadda anaga naga dhammaaday, oo wasaaradda arrimaha gudaha ka soo dhammaaday, iyo garyaqaanadeeda, garyaqaanka guud ee dawladduna uu nagala qayb galay xeer aanu u diyaarinay oo aanu u bixinay ‘Xeerka madax dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, xeerkaasi wuu idinku soo socda, waxaanan u malaynayaa hawshiisa ugu badan idinka ayaa leh, golaha wasiiraddana wuuka soo dhammaaday, waa la idiin soo gudbin doonaa, ilaa aynu madax dhaqameedka xeer u sameyno oo wax lagu xakameeya uu jiro xeer dhaqameed yeelanmayno”