Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo daah-furay mashruuca tamarta Korantada oo ku kacaya Konton Milyan oo Dollar

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay mashruuca soo kabashada iyo horumarinta Aagga Tamarta korontada, oo loo sameeyey munaasibad maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socda laamaha xukuumadda, Golaha Wakiillada, Baanka Adduunka iyo marti-sharaf kale oo ka socday daneeyayaasha mashruucan.

Mashruucan soo-kabashada Aagga Tamarta Korantada oo uu Somaliland ka taageerayo Baanka Adduunka, kuna kacay lacag gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar ($50 Million Dollar), ayaa kor loogu qaadayaa kaabeyaasha iyo ilaha laga dhaliyo adeegga Korantada, waxaana munaasibada daah-furka qaban-qaabiyey Wasaaradda tamarta iyo Macdanta oo maamulaysa fulinta iyo hogaaminta barmaamujkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Foosi Maxamed Faarax oo ugu horayn xaflada hadal ka jeediyey, ayaa u mahad naqay taageeraha mashruucan ee Baanka Adduunka, waxaanu tilmaamo ka bixiyey horumarka ay wasaaraddu ka samaysay dhinacyada horumarinta tamarta Korantada

“helitaanka tamar jaban oo laysku halayn karaa waxay laf-dhabar u tahay xasiloonida koboca dhaqaalaha JSL, wax-soosaarka iyo la-dagaalanka isbedelka cimilada, sidaas awgeed wasaaradda macdanta iyo tamartu waxay guul la taaban karo ka gaadhay horumarinta aaggaga Tamarta, kaasoo qayb laxaadle ka qaata horumarka dhaqaalaha”

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka, Axmed Faarax Cadare, Wasiirka wasaaradda horumarinta Deegaanka iyo duur-joogta Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Cali Gaafaadhi iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyadda Rooda Jaamac Cilmi oo munaasibado hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay horumarinta tamartu u leedahay guud ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wax-soo-saarka iyo kor-u-qaadida adeegyada aasaasiga ah ee nololsha  bulshada taabanaya.

“si gaar ah waxaanu ugu soo dhaweynaynaa mashruucani inuu wax ka tarayo isbedelka cimilada ee sii kordhaya”ayey tidhi Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaa hadal ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan balaadhan, waxaanu tilmaamay inuu ka turjumayo mid kamida tiirarka yoolalka horumarka qaranka, isagoo xusay in Somaliland guullo la taaban karo ku gaadhay isku-tashi iyo qorsheyaal leh hortebin iyo haggeyaal ku dhisan daah-furnaan.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu hambalyo u diray Wasaaradda horumarinta tamarta iyo Macdanta oo uu ku bogaadiyey mashaariicda waaweyn ee ay u diyaarisay aagga korantada iyo qaybaha kale ee ay qaranka u xilsaaran tahay, isagoo sidoo kale mahad-naq u jeediyey Baanka adduunka iyo cid kasta oo taageerta mashaariicda muhiimka u ah dhismaha kaabeyaasha horumarka Waddanka.

Mashruucan ayaa socon doono muddo lix sannadooda, waxaana lagu horumarin doonaa aaggaga kala duwan ee laga dhaliyo tamarta Korantada oo ay kamid tahay tamarta la cusboonaysiin karo.