Safiir ka socda Denmark oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane, Dr. Axmed Aadan Buuxane ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka wadanka Denmark u qaabilsan wadamada Somaliland iyo Somalia Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa Mss. Gertrud Birk, iyo wakiilka gaarka ah ee Denmark u fadhiya Somaliland Mr Methies Daniel Hassing.

Ujeedada guud ee kulanka ayaa ahayd isbarasho Wasiirka iyo Safiirka cusub oo safarkiisii ugu horeeyey wadanka ku yimid.

Ugu horeyn waxaa uu wasiirku uga mahad celiyey safiirka taageerada uu wadankiisu siiyo Somaliland ee ay kamidka yihiin dhismaha dawladnimada, geeddi socodka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, kobaca dhaqaalaha iyo ka qayb qaadashada Mashaariicda Horumarineed gaar ahaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Intii uu kulanku socdayna waxaa uu wasiirku warbixin ka siiyey safiirka ku saabsan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad oo hadda gabo gabo ku dhaw iyo mashaariicda horumarineed ee wadanka ka socda oo ay ugu weyn tahay kuwa laga maalgaliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo wadanka Denmark qayb ka yahay Wadamada ku bohoobay Sanduuqaasi.

Ugu dambeyn Safiirku waxa dawlada iyo shacabka Somaliland ku amaanay amniga iyo nabadda ka jirta waddanka sidoo kalena waxaa uu dawlada ku bogaadiyey sida ay uga go’antahay inay ka midho dhaliyaan hiigsiga Qaranka ee 2030.