Madaxweynaha oo la kulmay Wefti diblomaasiyiin ah

Hargeysa-29-11-2022-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.
Ugu Horrayn, waxa uu madaxweynuhu safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay tan iyo intii ay la soo noqotay madax-bannaanideeda, xoogana saartay nabadgelyada guud ee dalka oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladu, iyagoo heegan u ah hirgeinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ah waxa ay Somaliland dheertahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale meelo ka mida.
Waxaana kulanka lagu lafo-guray sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha. Weftiguna dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehelinayaan ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.