Madaxweynaha Somaliland oo Sharci-yaqaan khibrad leh u magacaabay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilka xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka u magacaabay Garyaqaan Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo kamid ahaa Garsooreyaasha Maxkamadda sare todobadii sannadood ee u dambeeyey.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer-ilaaliyihii hore Xasan Axmed Aadan oo xilkaasi hayey muddo 12 sannadooda.
sidaasi waxa lagu sheegay wareegto madaxweyne oo maanta ka soo baxday qasriga Madaxtooyada, taasoo nuqul kamida soo gaadhay Warbaahinta GNA.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
“Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka
Mudane,
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;
Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xeer-ilaaliyaha cusub ee Qaranka ayaa ah sharci-yaqaan khabiir ah oo in ka badan 22 sannadood ka shaqaynayey laamaha garsoorka dalka, waxaanu madax ka soo noqday maxkamaddaha derejooyinka gobol, rafcaan gobol isagoo markii u dambeysayna noqday garsoore joogto ah Maxkamadda sare ee JSL.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kamida waaxyaha ugu muhiimsan ee Waaxda Garsoorka ee Qaranka.