Guddida Mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland oo sheegay in ay u maaro waayeen saarista Dhakhaatiirta aan dalka u dhalan

Hargeysa – (GNA)-Guddoomiyaha mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Luul Jirde, ayaa sheegtay in ay u maaro waayeen in dalka laga saaro qaar ka mida dhakhaatiirta aan dalka u dhallan, kuwaas oo ay xustay in ay dabada ku hayaan dad muwaadiniin ah.

Sidoo kale waxa ay cadddaysay in qaar ka mida dhakhaartiirta aan dalka u dhalayn aanay ashkatayn karayn, iyada oo soo jeedisay waxa kaliya ee marro loogu heli karo dhakhaatiirta aan waddanka u dhallan in ay tahay iyada oo hay’addaha dawladdu gacmaha isqabsadaan, isla markaana meel looga soowada jeesto wixii dalka iyo dadka u dan ah.

Geesta kale waxa ay hoosta ka xariiqday in dhakhaatiirta aan dalka u dhallan marka ay soo maraan ay baadhitaan ku sameeyaan, intaas kadibna wixii ay u arkaan in dalka ay ka hawlgali karaana ay siiyaan amarka shaqataga, wixii kalena ay dib u celiyaan.

Waxa ay guddoomiyuhu sidan ka sheegtay mar ay shalay hortagtay iyada iyo masuuliyiinta guddida mihnadlayaasha caafimaadku guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaana fadhiga golahaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddidaasi Dayib Xasan Axmed.

Waxaanu yidhi.“Dhakhaatiirta aan dalka u dhallan cidna kama qarsoona inay Somaliland u soo shaqo tageen, anagana waa qodax nagu mudan.

Laba arrimoood ayaa jira oo la xidhiidha dhakhtarada aan dalka u dhalan, anaga marka ay dhakhaatiirta aan dalka aan u dhalan na soo maraan waanu baadhnaa, kuwa badana waanu Celina, balse runta ayaa la isu sheegayaaye dhakhtarkasta oo aan dalka u dhalan oo Somaliland jooga qof reer Somaliland ahba soo xanbaartay, qaarkoodbaanu saari kari laanahay, qaarkoodbaanu ashkatayn karilahaanahay, ilaa nidaamka la baddelo oo hay’addaha dawladdu gacanta isqabsadaan meel looga soowada jeesto dadka aan dalka u dhalan iskama celin karno”.

Xildhibaanada guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa su’aalo weydiiyay guddoomiye Luul iyo masuuliyiintii la socotay, isla markaana mid mid ayay uga jawaabeen.