Col.Tuke oo lagu xudhay Maraykanka

Booliiska magaalada Springfield ee gobolka Virginia ee dalka maraykanka oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan haayada FBI dalka maraykanka ayaa dorraad ku xidhay gurigiisa gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo sannadahii 80-naadkii dad reer Somaliland ku xasuuqay deegaanada Gabiley iyo waqooyiga Hargeysa, Tuke oo laftigiisu ah Somalilander ayaa in muddo ahba ku noola dalka maraykanka.

Ciidamada booliiska magaalada Springfield ayaa abaaro 03:00 subaxnimo ee Jimcahii usbuucan guriga uu ka degenyahay magaalada Springfield ku dhex qabtay, waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka maraykanka ee loo yaqaano (Home land security), ayey ku sheegeen inay xabsiga dhigeen 69 sanno jir ka tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka Soomaaliya qaybtiisii 5aad ee xarunteedu ahayd magaalada Gabiley, Tuke ayaa lahaa darajada gaashanle sare.

Sarkaal ka tirsan haayadda danbi baadhista dalka maraykanka ee HSI, oo la yidhaahdo Derek W. Gordon ayaa u sheegay warbaahinta “Anagoo og in xadhigan soo daahay ee Yuusuf Tuke, aanu soo celin doonin dadki aan waxba galabsan ee uu sida axmaqnimada ah u laayay, balse waxaan rajaynaya in xadhigiisani ay xanuun ka dul qaadi doonto ehelkii dadkii uu xasuuqay oo murugada dadkoodii uu laayay ay uga darayd inuu Tuke si nabad ah maraykanka u dhex joogo” ayuu yidhi Derek W. Gordon.

Saraakiisha FBI waxay sheegeen inay maxkamad hor keeni doonaan Tuke.