Tigrayga oo shuruud ku xidhay hub ka dhigista Ciidankooda

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay geysanayaan gabood-fallo, inkastoo dhawaan la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka labada sano socday.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamada Eritrea ay laayeen dad shacab ah, isla markaana ay dhac iyo hanti burburin u geysteen.

Wuxuu sheegay in dagaalyahanada Tigreega aysan hubka dhigi doonin ilaa dowladda Itoobiya ay xaqiijiso ka bixitaanka Eritrea iyo ciidamada kale ee gobolka.

Sarkaal u hadlay Itoobiya ayaa sheegay in arrinta Eritrea la xalin doono marka ugu horreysa ee ciidamada federaalku ay fariisimo ka dhigtaan aagga xuduudda Tigrayga.

Dhanka kale Sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “Haddii Eritrea aysan kala bixin ciidankeeda Tigray, waxaa laga yaabaa in cunaqabateyn lagu soo rogo.”

Sarkaalkan ayaa sheegay in marka laga soo tago ciidamada Eritrea ay sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadka Canfarta ee haatan ku sugan gobolka Tigray ay ka baxaan.

Waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen gobolka Tigray ayna la safteen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, iyagoo halkaas ku sugnaa labadii sano ee u dambeeyay.

Dhinacyo kala duwan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa marar badan ka codsaday Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay maqlayaan in xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii nabadeed ee la gaaray. Waxa ay sheegeen in ciqaab lagu soo rogi karo ciddii caqabad ku noqoto fulinta heshiiska nabadeed.

Wuxuu yiri, “Kama gabban doonno inaan cunaqabateyno soo rogno” si loo xaqiijiyo in heshiiska nabada la ixtiraamo oo la dhaqan geliyo, iyo in lala xisaabtamo kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Sarkaalka sare ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada diblomaasiyadeed iyo mida saadkuba. Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay taageeraan dhaqan gelinta heshiiska nabadeed.