Ujeeddada kulan Xisbiga Kulmiye ku qabtay Hargeysa

Kulan ballaadhan oo lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta guud ee xisga KULMIYE.

Kulankan oo ay hoggaaminayeen qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga ee ay kamidka yihiin guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, xoghayaha guud, mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, xoghayaha garabka haweenka heer qaran, marwo Sahra Saleebaan Cawil, guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran, mudane Najax Siyaad Aw Cabdi, guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye, guddoomiyeyaasha siddeedda degmo ee caasimadda Hargeysa u qaabilsan xisbiga iyo hawl-wadeenno kale oo KULMIYE katirsan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga ee degmooyinka caasimadda, loona xoojin lahaa iskuxidhka iyo wada-shaqaynta waaxyaha xisbiga ee degmooyinka Hargeysa.

Qaar kamid ah masuuliyiinta kulanka ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxda xisbiga ee degmooyinka caasi.adda ugaga mahadnaqay hawlaha ay hayaan, waxana ay kula dardaarmeen inay sii labanlaabaan shaqooyinkooda, si kor loogu qaado loona dardargeliyo hawlaha kala duwan ee xisbiga.

Kulankan waxa soo abaabulay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana uu kusoo dhamaaday guul, iyada oo cid waliba ballan qaadday inay kaalinteeda ka qaadan doonto waajibaadka shaqo ee saaran.