Wasiir Wasaaradda Waxbarashada oo shir ka furay Magaalada Boorama

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa magaalada Boorama ka furay shirka la tashiga daneeyayaasha waxbarashada aasaasiga ah.
Shirkan oo ahaa mid dib loogu eegaayay manhajka qaranka ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, badhasaabka gobolka awdal, qaar ka mida agaasime waaxeeda wasaarada waxbarashada iyo macalimiin laga soo kala xulay dugsiyada degmooyinka Boorama, Saylac iyo Gabiley.
Ugu horayn Agaasimaha waaxda Maxamed Cali Cumar ayaa sheegay in mudadii u dhaxaysay 2015 ilaa 2022 ay tahay markii ugu horaysay ee dib u eegis lagu samaynayo manhajka qaranka, iyadoo la doonayo in manhajku uu noqdo mid soo saara qofkayn u baahanay.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalada boorama ay nasiib u yeelatay furitaanka islamarkaana lagu qaban doono dhamaanba gobolada dalka.
Gudoomiyaha gobolk Awdal Maxamed Caalin (Tiimbaro) ayaa wasaarada ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa manhaj ku haboon ubadkeena.
Wasiir ka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo shirkaasi furay ayaa sheegay in qorshaha wasaaradu ay ka leedahay shirkani uu yahay in laga soo saaro manhaj tayaysan si loo helo arday tayo leh, inagoo ka tusaale qaadanayna diinta islaamka iyo dastuurka qaranka.