Maxay ka wadahadleen Golaha Wakiillada iyo Maayarradu?

Gudida Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo beryahanba gacanta ku haysay kana shaqaynaysay Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2023 ayaa maanta kulan la qaatay Maayarada Magaalooyinka Waaweyn ahna Gudoomiyayaasha Degmooyinka ee Dalka oo ay ka mid yihiin:

1. Cabdikariin Axmed Mooge (Duqa Caasimadda Hargeysa Ahna Gudoomiyaha Ururka ALGASL).

2. Maxamed Axmed Warsame (Baradhe) (Maayarka Boorama Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka ALGASL).

3. Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Maayarka Burco).

4. Cabdishakuur Maxamuud Cidin (Maayarka Berbera).

5. Axmed Maxamuud Cumar (Maayarka Laascaanood).

6. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi-Jiid) (Maayar kuxigeenka Ceerigaabo).

7. Maxamed Amiin Cumar Cabdi (Maayarka Gabilay).

8. Yuusuf Cawaale Daahir (Maayarka Saylac).

9. Khaalid Cabdiraxmaan Xirsi (Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL).

Kulankan oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL Md. Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse isla markaana ay joogeen dhamaan Xubnaha Gudida Dhaqaaluhu ayay Maayaradu ku soo bandhigeen Miisaaniyadaha Dawladaha Hoose ee ay maamulaan ee golaha hortaala, caqabadaha haysta iyo dedaalada horu socod ee ay hayaan ee miisaaniyadani gufaynayso.

Xildhibaanada Gudida ayaa waydiiyey Su’aalo ku saabsan Odoroska Miisaaniyadan si ay uga helaan xogaha dheeraadka ah ee gudidu uga baahnayd.

kulankan oo socday saacado badan ayaa si habsami leh Saaka ugu gabagaboobay.