Milateriga Itoobiya iyo Jabhada TPLF oo Sigaar kala qaadanaya

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga fallaagada Tigray ee TPLF ayaa billaabay in ay ficillo ay ka sameynayaan furinta hore ee dagaalka, xilli ay madaxdooda ku sugan Kenya ka wada hadlayaan sidii hubka loo dhigi lahaa.

Redwan Hussein oo ah la-taliyaha dhinaca amniga ee Raysul Wasaare Abiy Axmed ayaa telefishinka Itoobiya ee fadhigiisu yahay Mareykanka (EMS TV) u sheegay maanta oo Talaado ah in ciidankii Tigray ee dagaallamayay ay u tageen militeriga federaalka ee furinta hore joga, iyagoo ka doontay raashin iyo sigaar.

“Raashin ayey cunayaan, waxay ka helayaan sigaar, sawirro ayey isla galayaan, si wadajir ahna waxay u aasayaan meydadka. Run ahaantii, mas’uuliyiinta TPLF waxa ay noo sheegeen in ay hayaan muuqaallo laga duubay waxyaabahaas oo dhan, waana la qaadan doonnaa,” ayuu yiri Mr Redwan, oo ka qeyb galaya wadaxaajoodka ka socda magaalada Nairobi.

Redwan ayaa sheegay in ciidanka labada dhinac ay u heellan yihiin hannaanka nabadda ee socda, maadaama aysan ku faraxsaneyn “dilka ay isu geysanayaan iyo dhimashada”.

“Waxay doonayaan in ay naftooda badbaadiyaan, waalidiintoodana caawiyaan. Dhibaatadu waxay ka taagan tahay dhinaca siyaasadda islamarkii siyaasadda xal loo helana, wax walba si caadi ah ayey kusoo noqon doonaan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Taliyaha guud ee ciidanka militeriga Itoobiya, Birhanu Jula iyo taliyaha TPLF, Tadese Werede ayaa ku wada sugan magaalada Nairobi, iyagoo ka hadlaya qorshaha hub ka dhigista TPLF iyo sidii dhaqan celin loogu sameyn lahaa dagaalyahannadooda, sida lagu xusay heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac ku kala saxiixdeen Koonfur Afrika 2-dii bishan November.

Maalintii Isniinta, afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in ay ku qasbanaayeen qaadashada heshiiska iyagoo eegaya nabadda la helayo.

“Wax walba oo aan sameyno, tallaabo kasta oo aan qaadno, ama heshiis kasta oo aan saxiixno waxaan keenay in la eegayo danta dadka Tigray. Nabad ayey aad ugu baahan yihiin dadkeennu. Waqtiga ayaa sheegi doona haddii aan fulin doonno ballanta aan ka qaadnay shacabkeenna,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Heshiiska la kala saxiixday horaantii Bishan ayaa ahaa mid lama filaan ah oo u muuqday inuu kusoo beegmay xilli ay colaaddu sii xoogeysaneysay.

Wadahadallada ayaa si rasmi ah u billowday 24-kii bishii lasoo dhaafay ee October, isbuuc gudihiisna waxay wakiillada dowladda Itoobiya iyo fallaagada TPLF isku raaceen in si kama dambeys ah loo soo afjaro dagaalka.

Xabbad joojin horay loogu heshiiyay oo socotay shan bilood ayaa burburtay 24-kii bishii August, waxaana dib u qarxay dagaalka.

Dagaalkan oo gilgilay Itoobiya ayaa markii ugu horreysay billowday 4-tii bishii November ee sanadkii 2020, markaas oo Raysul Wasaare Abiy Axmed uu ciidanka federaalka ku amray iney duullaan ku qaadaan gobolka Tigray si ay uga jawaabaan weerar lala beegsaday saldhig ay ciidanka dowladdu ku lahaayeen halkaas.

Colaadda Tigray ayaa muddo labo sano ah ka socotay dalka Itoobiya, dagaalka oo saameeyay qeybo kale oo ka tirsan dalkaas ayaana sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin qoys.