Xildhibaan Cabdinasir Qodax oo booqasho ku tegay 23 Deegaan oo laga soo doortay

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa socdaal dheer oo qaatay laba maalmood ku gaala-bixiyay Deegaannada hoos yimaadda Degmada Sallaxley ee Somaliland Iyo Degmada Daroor ee Dawladda Deegaanka Soomalida.

Ujeeddada socdaalka xildhibaanka ayaa ahaa, Booqasho uu kusoo samaynayay Deeganadaas oo kasoo doogay Abaaro daran iyo Biyo la’aan baahsan.

Bulshada iyo Madaxda Deeganadaasi ayaa si wayn usoo dhaweeyay Xildhibaanka, iyagoo sheegay inay Xildhibaanka abaal-wayn ugu hayaan gurmadkii uu u sameeyay markii Abaaruhuu ku dhaceen.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay xildhibaanka ay garab taagan-yihiin.

Xildhibaan Qodax ayaa kulan la qaatay, Gudoomiyaha iyo Maayirka Degmada Daroor, kadibna Booqday, Garoonka kubadda, Dhakhtarka iyo Jeelka.

Deegaannada uu Xildhibaanku maray ayaa kala ahaa:-

1: Kaam Abokor

2: Sanqoole

3: Aar Joog

4:Qool-buulalle

5: Shabeelle

6: Kaam Maxamed

7: Kaam Liibaan

8: Burco-duuray

9: Balliga Cabdi

10: Rabaso

11:Celiyo-da Sare

13: Karooska

14. Waaba-caddo

15. Gaashaanka

16. Aadan Waraabe

17.Laanqayrta Celiyo

18. Sallaxley

19: Gufays

20: Ina Guuxaa

21: Warta Aadan Waraabe.

22: Kaam iidle

23: Kaam Xasan