Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Hambalyo u Dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland.

Hargeysa-02-11-2022(GNA), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sanad guuradii 29aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Booliska, taasoo ku beegan 3-11-2022, oo ah maalintii dhibada loo dhigay Ciidanka Booliska.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, isagoo og hawlaha culus ee Ciidanka Booliska Somaliland u hayaan bulshada iyo kaalinta wayn ee ay ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidamada Booliska, sida Saraakiisha Ciidan, Saraakiil Kuxigeenada, Alifleyda, Dableyaasha, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaanu Wasiirku u rajaynayaa Guul, Horuumar iyo Barwaaqo.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, tan iyo  markii la aas-aasay waxay soo mareen marxalado kala duwan, waxayna u soo dhabar adaygeen sidii ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqayn lahaayeen duruufkasta oo jirtey, maantana Ciidanka Booliska Somaliland, wuxuu marayaa meel  aad u saraysa oo ah mid Qaranka iyo guud ahaan bulshada Somalilandba ay ku faanayaan.

Ciidanka Boolisku waa saaxibka dadweynaha, hadh iyo habeena waxay u taagan yihiin ilaalinta nabadgelyada iyo in ay ka hortagaan dhibaatooyinka ay ka mid yihiin fal danbeeyada ka dhaca bulshada dhexdeeda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waana ciidan leh aqoon tababar oo kala duwan, Guul baynu wada rajaynaa Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.