Hudda Xuseen: Gabadhii Oohinteedu Qaranka gilgilshay “Somaliland”

Hal ayuu muuqaalka Oohinta ee ay duubtay qabsaday baraha bulshada, waxaana ku dhex jirtay kelmad ahayd ” Adduunka yaa iga kexeeya” waxa kale oo ay tidhi ” In aan seexdo ayey igu khasbayaan, mana seexan karo”.

Saacado kaddib waxa hadlay Haweenay deris iyo aqoon u leh Huda iyo qoyskooda, taasoo ka warantay xaalada Gabadhaas iyo dhibaatada ka Oohisay. “Meel walba waanu ka raadinay mana hayno” ayey sheegtay iyadoo ka hadlaysa maqnaanshiyaheeda Huda iyo halista ku gedaaman waayisteeda.

Hudda Xuseen waxa lagu qabtay Magaalada Gabiley, waxaana Booliska Magaaladaasi u geeyey Wiil ku arkay meel Baabuurta laga raaco, sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Gabiley Gaashaanle Muuse Yuusuf Maxamed.

Ku dhawaad lix saacadood, waxa baraha bulshada isu bedelayey xogta la xidhiidha Gabadhan oo uu muuqaalkeedii u horeeyey quluubta bulshada si weyn u taabtay.

Dhibaatada gaadhsiisay inay sibiq-dhaqaaq iyo oohin saranseerto, ayaa xogogaalku wariyey duruufo, nololeed, qoys iyo nafsadeed oo isu barkaday.

Wariye Cabdiqaadir Aadan Carab oo ah tafaftiraha Wargeys.ka soo baxa Hargeysa, ayaa xaalada Gabadhan ka qoray sheekadan soo socota: “Waa Masiibo Ilaahay laga Magan-galo in Qof Miyirkiisa iyo Maankiisa qabaa uu isku diyaariyo inuu Is dilo oo uu Naftiisa Halligo.

Laakiin, waa Dhacdooyin si Maalinle ah uga dhaca Dalalka dunida badankooda, sababaha Dadka ku riixaya inay qudhooda jaraana way kala duwan yihiin.

Dadka Islaamka ah, Qofka qudhiisa jaraya waxa lagu tuhmaa inaanu Maskax ahaan Fayoobayn iyo inay jiraan Culaysyo nololeed oo uu maarayntoodu ku adkaatay iyo in Shaydaan uu wax kale u sawirray.

Hase-yeeshee, waxa cusub in Gabadh dhalinyaro ah oo Waxbarashada ka gaadhay Heer Jaamacadeed ay gaar uga baxdo Magaaladii ay ku noolayd isla-markaana isku diyaariso inay qudheeda Goyso, iyadoo sheegaysa inay Geeridu u dhaanto inay noolaato.

Sabab kasta oo keentay, isku-daygaa dil waxa samaysay Huda Xuseen oo ah Gabadh dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargeysa.

Dadweynaha ayaa ku War helay Muuqaal ay iska duubtay iyadoo ku sugan bariga Mayaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku sheegayso inay is dilayso isla-markaana ay Gaadhi isku dhigayso.

Nasiib-wanaagse, Dadweynaha ayaa ku War-geliyey Ciidammada Booliska, kuwaasi oo markiiba bilaabay inay Baadi-goobaan, si ay Nafteeda u bedbaadiyaan.

Hawl-galkan oo Ciidammadu si Tallaabo-tallaabo ah ay dadweynaha ugula socodsiinayeen Warbaahintooda Bulshada, ayaa aakhirkii guulaystay.

Ciidammada, ayaa Huda Xuseen ku qabtay Magaalada Gabiley, si ay u samato-bixiyaan, sida ay ku sheegeen Qoraal ay Caawa baahiyeen.

Huda Xuseen oo baraha Bulshada ku baahin jirtay Hadallo ay nolosheeda kaga dayrinayso, ayaan si rasmiya looga War qabin dhibaatada haysata iyo Caafimaadkeeda midna, balse waxa hore Baraha Bulshada ugu baahay Muuqaallo ka warramaya khilaaf dhinaca Qoyskeeda ah, wallow la soo weriyey in Hooyadeed iyo xubno kale oo Qoyskeeda ah oo xanuunsanaya ay ku keentay inay nolosho ku adkaato, Eheladii ay taageerada ugu baahatayna la fahmi waayeen duruufteeda, taasi oo sababtay in Maalinba Maalinta ka dambaysa ay quus ka istaagto nolosha, arrintaas oo ah waxa ku riixay Falka Argaggaxa leh ee Maanta laga bedbaadiyey.

Ugu dambayn, Muuqaalka ay baahisay Maanta iyada oo ooyeysa isla-markaana sheegaysa inay is dilayso, ayaa Bulshada Somaliland ku abuuray Argaggax iyo in loo wer-wero nolosha gabadhan dhalinyarada ah, taasi oo keentay in mar keliya Magaceedu uu qabsado Baraha Bulshada, iyadoo dadku ku baaqayeen in si deg-deg ah loogu gurmado.

Hadda’se, haddii Allaah uu Geeri ka bedbaadiyey, Dawlad iyo Shacabba waxa fuulaya Masuuliyadd ah in iyada iyo Dadka la duruufta ah noloshooda la maareeyo.