Maraykanka oo sheegay inay ku kalsoon yihiin xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

Guddiga Arrimaha dibad ee Senate ka Maraykanka ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay qaarada Afrika ka helaan saaxiibo taageeraya qaddiyada Taiwan, kuwaasi oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh wanaagsan la samaysatay dalka Taiwan. Guddiga Arrimaha dibadu wuxa uu sheegay in aqoonsiga bulshada Caalamka ee dalka Taiwan uu korayo taasi oo ay jiraan dhibaatoyin kaga imanaya dhinaca Shiinaha.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray guddiga Arrimaha dibada ee Senate ka Maraykanka, waxaanu ku tilmaamay xidhiidhka Maraykanka iyo JSL mid sii kordhaya, waxaanu sheegay in Somaliland dhaqaale ahaan iyo tignoolajiyad ahaanba uga faa’idaysatay dalka Taiwan, waxaanu Madaxwaynuhu bogaadiyey sida wanaagsan ee ay u qiimayso dimlomaasiyada iyo dimuqraadiyada.

Madxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa si gaar ah ugu mahad naqay guddoomiyaha guddiga Arrimaha dibad ee Senate ka Maraykanka Mr Risch isagoo sheegay inuu gacan wayn ka gaystay arrimaha aqoonsiga iyo xidhiidhka dalka Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Xigasho:- Somaliland News Agency