Weftigii ka socday xisbiga KULMIYE oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Xayira, bulshadana is-xog-waraysi la yeeshay

Xayira:26/10/2022(GNA)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiva KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed-dheer) ee safarka shaqo ku marayey gobollada bariga dalka, ayaa galabta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Xayira ee degmada Qoryaale oo katirsan hobolka Togdheer.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Xayira, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa halkaasi si heer sare ah ugu soo dhaweeyey, waxana ay qaddar isxogwaraysi ah kula qaateen gudaha magaalada.

,Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, ayaa halkaas ka caddeeyey inay taageero buuxda bulshada deegaanku u hayso xisbiva KULMIYE iyo xukuumaddiisaba.

Guddoomiyihii hore ee guddida qandaraasyada, kana mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo la hadlay bulshada reer Xayira, ayaa uga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh ee ay weftiva u muujiyeen, waxana uu usoo jeediyey inay sii laban-laabaan taageerada KULMIYE ee ay weligoodba caanka ku ahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenkalabaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo hadal u jeediyey shacabka reer Xayira, ayaa ugu horrayn ka mahad celiyey soo dhaweynta iyo taageerada muuqata ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE, isagoo tilmaamay in bulshada deegaanka Xayira ay weligoodba cudud iyo codba la garab taagnaayeen KULMIYE.