Wariye Sayid oo lagu Aasay magaalada Hargeysa

Alle ha u naxariisto’e Suxufigii Ruug-cadaadiga ahaa ee Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa lagu aasay Xabaalaha Baqiic maanta gelinkii dambe, kaddib markii uu ku geeriyooday habeen hore Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Aaska marxuumka waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada xukuumadda, masuuliyiin ka socday laamaha kala duwan ee dawladda, bahda warbaahinta dalka, madaxda asxaabta qaranka, Urur-siyaasaddeedyada cusub  iyo dadweyne tiro badan oo ka kooban qaybaha bulshada, sida culimo awdiinka, Ganacsato, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ehellada, qaraabada iyo asxaabta marxuumka.

Marxuum Sayid oo xannuun muddo kooban hayey loogu qaaday dalka Itoobiya, balse ay halkaasi haddu ugu soo gashay, ayaa jinaasadiisa isla shalay la soo gaadhsiiyey Magaalada Hargeysa, waxaana geeridiisa tacsi ka diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore, wasiirrada iyo madaxda hay’addaha xukuumadda ee kala duwan, madaxda goleyaasha Baarlamanka, guddoomiyaha Maxkamadda sare,  hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kale.

Xubno kamida madaxda goleyaasha Qaranka, siyaasiyiin, inta badan hormuudka suxufiyiinta Somaliland iyo dad kale oo aqoon u lahaa marxuumka, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikh nololleedkiisii, shakhsiyaddiisii gaarka ahayd iyo doorkii uu ku lahaa horumarinta Saxaafadda.